Preserving Our Language. Inspiring Young Minds. Building Our Future.
AYEEYO – Somali Kids is a children’s educational platform dedicated to helping Somali children learn, grow, and have fun through engaging, child-friendly content in the Somali language.
We believe that children are our greatest treasure and that every child deserves access to learning experiences that nurture curiosity, creativity, good character, and a love for knowledge.
Our mission
is to make learning Somali enjoyable and meaningful by providing educational resources, stories, activities, and entertaining content that help children develop their language skills while connecting with their culture and heritage.
At AYEEYO, we aim to create a safe, welcoming, and inspiring environment where children can explore new ideas, discover their talents, and grow with confidence. We also support parents and educators who want to pass on the Somali language, values, and traditions to the next generation.
Our Vision
To become a trusted platform for Somali children worldwide, inspiring a generation that is knowledgeable, creative, confident, and proud of its language and heritage.
Our Promise
To make learning enjoyable, celebrate Somali identity, and help every child take a step toward a brighter future.
AYEEYO – Somali Kids: Learning, Fun, and the Joy of Childhood!
Ku Saabsan AYEEYO – Somali Kids
Ilaalinta Afkeenna. Kobcinta Maskaxda Carruurta. Dhisidda Aqoonta Ubadka.
AYEEYO – Somali Kids waa madal waxbarasho oo loogu talagalay carruurta Soomaaliyeed, taas oo ka caawisa inay wax bartaan, koraan, kuna raaxaystaan waxbarasho iyo madadaalo xiiso leh, kuna baxa Af-Soomaali.
Waxaan aaminsanahay in carruurtu yihiin hantida ugu qaalisan, isla markaana ilmo kasta uu mudan yahay waxbarasho iyo madadaalo xiiso leh oo kobciya xiisaha aqoonta, hal-abuurka, akhlaaqda wanaagsan iyo jacaylka waxbarashada.
Hadafkayagu waa inaan waxbarashada Af-Soomaaliga ka dhigno mid xiiso leh oo macno badan leh, annagoo soo bandhigayna agab waxbarasho, sheekooyin, hawlo carruureed iyo madadaalo ka caawiya carruurta inay horumariyaan luqaddooda, isla markaana ay xiriir dhow la yeeshaan dhaqankooda iyo hidahooda.
AYEEYO, waxaan ku dadaalaynaa inaan abuurno jawi ammaan ah, dhiirrigelinnaya carruurta kuna boorrinaya inay sahmiyaan fikrado cusub, ogaadaan hibadooda, kuna koraan kalsooni. Waxaan sidoo kale taageernaa waalidiinta iyo macallimiinta doonaya inay jiilka soo koraya ku barbaariyaan Af-Soomaaliga, qiyamka wanaagsan iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Himiladeenna
Himiladeenu waa Inaan noqono madal lagu kalsoon yahay oo ay isticmaalaan carruurta Soomaaliyeed ee ku nool dunida oo dhan, si aan u dhiirrigelinno jiil aqoon leh, hal-abuur badan, kalsooni qaba, kuna faana afkiisa, diintiisa iyo hidihiisa.
Ballanqaadkeenna
Balanqaadkeenu waa Inaan waxbarashada ka dhigno mid xiiso leh, kor u qaadno aqoonsiga Soomaaliyeed, carruurtana ka caawinno inay u tallaabaan mustaqbal ifaya.
AYEEYO – Somali Kids: Waxbarasho, Madadaalo iyo Farxadda Carruurta!
